DAAWO: Axmed Madoobe oo tagay Muqdisho

55

 

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo wata ciidamo dheeraad ah ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xildhibaanno ka tirsan labada gole iyo qaybaha bulshada, isaga oo intaas kadib loo galbiyay goob gaara loogu talagalay inuu ka dago Xalane.

Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu la hadlo warbaahinta, isaga oo ka warbixinayo ujeedkiisa oo uu ugu wayn yahay ka qayb-galka wada-hadallada u bilaabanaya Villa Somalia iyo Golaha Mustaqabalka.

Waxaa sidoo kale isna la filayaa in caasimada uu yimaado madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo isna ka qayb-galayo shirka, kaas oo isna iska soo hormariyay ciidamo gaar ah oo sugaya amnigiisa.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa muddo dheer ka maqnaa magaalada Muqdisho, sababo la xiriira khilaafka daba dheeraaday ee ka dhala dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa, kaas oo meel xun gaaray, illaa ay go’day wada shaqeyntii dhinacyadaan, taas oo saameysay dowladnimada.

Ajendaha shirkan oo isha aad loogu hayo ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamadii guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Si kastaba, wakiillada beesha caalamka oo dhinacyada cadaadis ku saaray sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadalladii loo ballansanaa, ayaa muujinaya sida ay lagama maarmaan u tahay in arrimaha la isku hayo is-afgarad looga gaaro shirka.