
Barcelona ayaa ku guuleysatay Koobka Super Cup-ka Spain kaddib markii ay 3–2 kaga adkaatay cadowgeeda soo jireenka ah ee Real Madrid ciyaartii kama dambaysta ahayd ee la qabtay fiidkii Axadda garoonka Al Inma Bank Stadium ee magaalada Jeddah.
Barcelona ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 36-aad, kadib markii Raphinha uu dhaliyay gool qurux badan. Wuxuu ka helay baas dhex mara Fermin, kaddibna si degdeg ah oo xirfad leh ayuu u galay xerada ganaaxa, wuxuuna kubbadda si hoose ah ugu hubsaday shabaqa goolhaye Thibaut Courtois.
Daqiiqaddii 45+2-aad, Real Madrid ayaa keensatay goolka barbaraha kadib markii kubbad loo dhiibay Vinicius Junior, kaas oo si xawaare leh ugu orday xerada ganaaxa una toogtay shabaqa.
Daqiiqaddii 45+4-aad, Barcelona ayaa mar kale hoggaanka qabatay, waxaana goolka dhaliyay Robert Lewandowski. Wuxuu ka faa’iideystay baas cajiib ah oo uu ka helay Pedri, kaddibna si xeel dheer ayuu kubbadda uga dul tuuray goolhaye Courtois.
Real Madrid ayaa markale keensatay goolka barbaraha, waxaana dhaliyay Gonzalo Garcia kadib laad gees ah. Madaxa uu ku dhuftay ciyaaryahan Real Madrid ah ayaa ku dhacay birta kore, kaddibna kubbadda ayaa ku soo laabatay Gonzalo oo si toos ah ugu hubsaday shabaqa.
Daqiiqaddii 73-aad, Barcelona ayaa dhalisay goolkii saddexaad, waxaana mar kale shabaqa gaaray Raphinha. Wuxuu ka toogtay bannaanka xerada ganaaxa, kubbadduna waxay ku dhacday Asensio taasoo marin habaabisay goolhaye Courtois.
Daqiiqaddii 90-aad, Frenkie de Jong ayaa loo diray kaarka casaanka kadib markii uu galay qalad ku saabsan Mbappé.





















