DAAWO Beelaha Ciise iyo Gudibiirsi oo kudagaalamay Saylac

124

Qalalaase saacado socday ayaa saaka ka dhacay magaalada Saylac ee Somaliland, kadib markii qaybo ka mid ah dadka deegaanku ay diideen in magaalada lagu qabto munaasibad lagu waynaynayo Xeer Ciise, oo dhawaan hay’adda UNIISCo u aqoonsatay inuu yahay dhaxal aadame oo muhiim ah.

Mid ka mid ah beelaha reer Saylac ayaa gabi ahaanba diiday in munaasibadda maamuuska xeerkan lagu qabto magaalada, iyaga oo ku dooday in magaalada iyagu leeyihiin, oo ayna ogolayn in wax aan lagala tashan laga sameeyo.

“Waxaad ku qancaysaa waa xabade soo diyaargarow, xeerka xaaraanta ah la keeni maayo Saylac, cidii lahaayd ayaa fadhiyaysa Saylac. Wax aanaan anagu samayn cid ka samayn karta gobolka ma jirto, dadku waa reer Somaliland, cadowgayagu waa cadowga Somaliland,” ayay yidhaahdeen odayaasha kasoo horjeeda xeerka.

Waxay ku eedeeyeen dadka wadda Xeer Ciise inuu lidi ku yahay Somaliland, isla markaana laga soo abaabulay magaalada Xamar; iyaga oo ku dooday in iyagu ay odayaal ka deegaanka ka yihiin, isla markaana ugu baaqay xukuumadda inay tallaabo ka qaado dadka wadda xeerkan.

Odayaasha dhanka kale ayaa Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Cabdi, ku eedeeyay inuu masuul ka yahay qalalaasaha ka dhacay magaalada Saylac, isla markaana dhallinyaro ka timid magaalada Borama oo lagu sheegay inay yihiin dalxiisayaal uu kusoo daabulay magaalada, taasoo keentay qalalaase.

Dhallinyaro dhinaca kale ah ayaa iyaguna ku andacooday in magaalada lagu soo daabulay dhallinyaro ka socda Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaas oo weeraray niman odayaal ah oo magaalada si nabad ah ku joogay.

“Fidmo haddii ay dhacdo, Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa la sheegay inuu masuul yahay. Ma odhanayno Samaroon ayaa diray dhallinyaro, madaxweyne ku xigeen ayaa diray. Maanta waanu ka hortagnay, waxa ay dhalli doonto ninkii caqli leh ayay u muuqataa,” ayay yidhaahdeen odayaasha xeerka dabada ka wada.

Booliiska Somaliland ayaa kala eryay dhallinyaro kasoo kala jeeda labada dhinac, oo xurgufi ku dhexmartay magaalada. Isla markaana, xaaladda magaalada ayaa hadda degan.