DAAWO: Beesha Muuse Biixi oo Jabhad hubeysan kudhawaaqday

70

Beesha HabarAwal oo ah qabiilka uu ka soo jeedo Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta duleedka Magaalada Hargeysa.waxay kaga dhawaaqeen Jabhad ay ugu magac dareen Gaashaan.

Maleeshiyaad-kaan hubeysan ayaa la hadlay saxaafada waxayna si cad u sheegeen inay talaabo qaadi doonaan hadi Madaxweyne C/raxmaan ka hadlin sidii loola dhaqmay Muuse Biixi mar uu shalay tagay Garoonka diyaaradaha Hargeysa.

“Haddii Madaxda Jamhuuriyada Somaliland aysan si saxa uga hadlin dhacdadii Garoonka diyaaradaha Hargeysa, waxaa dhici doona dhacdo aad u fool-xun”ayuu yiri mid ka mid ah maleeshiyaadka hadlay.