
Siyaasi Xldhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa wax laga weydiiyay sababta uu u xaadiri la’yahay xarunta baarlamaanka oo kulamadii ugu danbeeyay magaciisa loo yeerinayay inuu maqan yahay , wuxuu sheegay in Xarunta Baarlamaanka ay tahay xarun u xiran Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe .
“Baarlamaanka waa meel u xiran Odeygaasi wuxuu doonana ka ansaxsada mana noo qalanto inaan tagno dad waa weyn ayaa nahay” ayuu yiri C/raxmaan C/shukuur oo la hadlayay Dalsan TV
Wariyaha ayaa markaas kadib weydiiyay C/raxmaan C/shukuur haduusan ku qanacsanen maa is casishid oo reerka u baneysay si ay shaqsi kale u keensadaan balse wuxuu ku gaabsaday in go’aankaasi uu yahay mid isaga u taal sida inuu is casilaayo iyo sii joogayo.
Siyaasigaan oo mucaarad ku ah siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan ka hadlay arinta baarlamaanka isagoona mar kasta ku celceliya in Madaxtooyada laga maamulo Gudoonka Baarlanaanka .




















