DAAWO: C/raxman C/Shukuur iyo Fiqi oo isu hanjabay

55

Xildhibaan C/raxman C/shukuur ayaa caawa xarunta xisbigiisa wuxuu ku qabtay isu soo baxa gaaban oo ay isugu yimaadeen dadkii Dowladu ka sartay dhulka Dowlada oo ay mudo deegaansana6een.

Xildhibaanka oo ka mid Mucaaradka ayaa si dad-ban ugu hanjabay Wasiirka Difaaca Somalia Axmed Macalin Fiqi oo dhawaan sheegay in mucaaradku banaan bax dhigi karin kaasoo aan Dowlada lagu wargelin islamarkaana ay ka yeersiin doonaan albaabka naga fura Yuhuud maa tihiin.

C/raxmaan ayaa si kulul wuxuu u sheegay inay banaan baxa dhigi doonaan islamarkaana ay is baran doonaan Wsiir Fiqi.

“Anaga iyo wiilkii dhahay Yuhuud maa tihiin aan idinka yeersiina waa isbaraneynaa banaan baxana waan qabaneynaa ee kusoo laabta dhulkii la idinka barakiciyay” ayuu yiri yiri Xildhibaan C/raxman C/shukuur

Xildhibaanka wuxuu ka dhawaajiyay in caalamka oo dhan ay gaartay cabashada shacabka ay ka muujiyaan arimaha dhulka.

“Waxaan idinku bishaareynayaa in meel kasta uu tago Madaxweyne Xasan lagu weydiiyo arimaha dhulka”ayuu mar kale yiri