DAAWO. Dagaal kadhex qarxay World Remit Iyo Premier Bank

77

Maamulaha Guud ee Xawaaladda World Remit, Axmed Ismaaciil, ayaa sheegay in nidaamka dal-ku-galka danabeysan (E-Visa) ee ay dowladdu soo rogtay uu ka dambeeyo Premier Bank, oo uu heshiis kula jiro shirkad uu leeyahay qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay inuu soo ogaaday in Premier Bank iyo shirkad la yidhaahdo Empire, oo uu leeyahay qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh, ay ka faa’iidayaan nidaamkan cusub ee dal-ku-galka. Wuxuu intaas ku daray in lacagta dal-ku-galka Soomaaliya ay marto Premier Bank, isla markaana anay ahayn adeeg bixin caadi ah, balse uu yahay qorshe muddo kahor la soo qorsheeyay.

“Dadaal badan ayuu u galay sidii aan isaga iyo shirkaddan ay wada leeyihiin E-Visa-da loo ogaan lahayn, taas ayaa sababtay in ay qaadato waqti dheer in la helo cidda dhab ahaan lacagta loo qabanayay, oo ahayd Empire iyo bangiga mashruucan mas’uulka ka ah,” ayuu yidhi Axmed.

Wuxuu sheegay in markii uu arrinta ogaaday uu si toos ah ula soo hadlay guddoomiyaha Premier Bank, kaas oo si faahfaahsan ugu sheegay inay iyagu masuul ka yihiin mashruuca dal-ku-galka danabeysan iyo cidda kale ee ay wada ka shaqeeyaan.

“Runtii waan la yaabay in bangi aan aqaan uu wax sidan oo kale ku kaco,” ayuu yidhi Axmed. “Kadib dood dheer oo na dhex martay, waxaan ku idhi: waar, waxan idinkana dhaawac ayaa idinka soo gaadhaya, annaguna ma aqbalayno.”

Wuxuu sheegay in bangigu doonayo inuu arrinta ka dhigo mid ku salaysan tartan ganacsi, sidaas darteedna uu isagu weerarayo, balse aanu jirin wax tartan ah oo ka dhexeeya isaga iyo madaxda bangiga, isla markaana uu isaga laftiisu kusoo xidhay shirkada lacaga ugu badan dhex marisa bangiga.

“Waxa keliya ee aanu isku hayno waa in aan idhi: isbaaradan aad meesha noo soo dhigteen qaada, iyo ma qaadayno. Wax kale meesha kuma jiraan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Axmed Ismaaciil wuxuu ku wacad qaaday inuu ka hortagi doono arrinta uu bangiga ku eedeynayo, isagoo ku goodiyay in haddii aan wax laga qaban nidaamkan dal-ku-galka danabeysan, uu la hadli doono warbaahinta caalamka, maadaama, sida uu sheegay, ay dambi caalami ah tahay waxa uu bangiga ku eedeynayo.

Nidaamka dal-ku-galka danabeysan ayaa hawada kusii shareeray khilaafka maamulka hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo Somaliland ay gabi ahaanba qaadacday, xilli shacabka reer Somaliland ay madaarrada caalamka ku xaniban yihiin, kadib markii lagu qasbay inay dalbadaan dal-ku-galka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in uu yahay nidaam lagu sugaayo ammaanka hawada iyo xuduudaheeda, oo ay Somaliland ku jirto, si loola socdo dadka dalka soo galaya.