DAAWO Dagaal xooggan oo saakay ka qarxay Muqdisho

21

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysan oo kasoo horjeeda barakicin dowladda wado, ayaa saakay ka socda garoonka kubadda cagta ee Horseed iyo sidoo kale xaafadaha ku dhaw dhaw ee Tarabuunka,

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa qarxay, kaddib markii ciidanka dowladda saakay u dhaqaaqeen in ay burburiyeen guryaha kaga dhistay gudaha garoonka Hoseed iyo sidoo hal xaafado kale oo katirsan Tarabuunka, waxaana ciidanka kahor yimid shacab hubeysan iyo sidoo kale askar.

Dagaal hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaana halkaasi wali ka socda, waxaana goobjogyaal sheegeen in ciidanka dowladda agaasii lagu jabiyay, ayna soo gaareen gurmadyo kala duwan oo labada dhinac kala taageeraya.

Dad shacab ah iyo dhinacyada dagaallamaya, ayaa lagu soo waramayaa in uu dagaalka kasoo gaaray khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana wali adag in si rasmi ah loo ogaado khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Dowladda Soomaaliya, ayaa bilowday in si xoog ah uga barakiciso dadka shacabka ah ee degan dhulka danta guud ee kuyaalla magaalada Muqdisho, dhulalkaas oo la sheegay in ganacsato ku dha dhaw Madaxweynaha qaarkood la siiyay halka kuwa kalana laga iibiyay.