DAAWO: Dekadda Muqdisho shaqeyn doonto 24 saacadood

54

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho si isku mid ah ah u shaqeyn doonto habeen iyo maalin.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Xukuumadda Fedaraalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in shaqada Dekadda weyn ee Muqdisho lagu sameeyay isbadal, islamarkaana wixii hada ka dambeeya habeen iyo maalin si isku mid ah u shaqeyneyso.

Wuxuu tilmaamay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya in isbadalka dhinaca Amniga uu horseeday in Dekedda Muqdisho ay si isku mid ah u shaqeyn karto 24 saacadood ah oo habeen iyo maalin.

“Waxaa farxad noo ah in aan ku dhawaaqno in Dekedda Muqdisho caawa wixii ka dambeeya si rasmi ah u bilaabi doonto shaqo xilliyada habeenkii, taasoo ka dhigan in dekeddu bixiso adeeg joogto ah oo aan hakad lahayn. waxaana noo suurta galiyay amniga ka hirgalay caasimadda” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuuur.

Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale xusay in shaqada 24-ka saacadood ah ee Dekadda shaqeyn doonto iney meesha ka saari doonto culeysyada iyo ciriirigii dhanka shaqo ee ka jiray gudaha Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

“Shaqeynta 24-ka saac ah waxay keeni doontaa in ay yareyso ciriiriga iyo dib u dhac ku yimaada adeegga maraakiibta, waxay sidoo kale kordhineysaa tartanka ay ku jirto Dekadda ee la xiriira adeegga ay bixiso iyo kordhinta dhakhliga Dowlada, ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ugu bishareynaynaa in adeegyada dekeddu hadda noqdeen kuwo joogto ah oo fududeynaya howlaha ganacsiga” ayuu yiri Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Wasiirka ayaa xusay in go’aankaan uu yahay mid ka yimid soo jeedinta madaxda sare ee dowladda sida madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Xukuumadda iyo Maareeyaha Dekedda Muqdisho, islamarkaana quimeyn dheer kadib shaqada Dekedda laga dhigay mid shaqeyneysa habeen iyo maalin.

“Arrintani waxay qeyb ka tahay qorshaha Wasaaradda ee horumarinta Dekadda Muqdisho iyo guud ahaan Dekadaha kale ee Dalka, ee ku salaysan aragtida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo barnaamijka Xukuumadda Danqaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre” ayuu yiri Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho Maxamed Cali Nuur Ameerika ayaa dhankiisa sheegay in talaabadani ay tahay fursad weyn oo lagu yarayn karo saxmada iyo cariiriga ka jira wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho oo inta badan jaam noqda xiliyada gaadiidka waa weyn kasoo baxaan Dekedda Muqdisho.

Ugu dambeyntii Dekeda weyn ee Muqdisho ayaa aheyd sanadihii u dambeeyay mid si weyn u sameyneysay horumar la taaban karo, iyadoo dowladduna ay kusoo kordhisay adeegyo casri ah.