DAAWO: Farmaajo “Madaxweynow hada Libaax baa tahay hadhow Bisad ha noqon”

75

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa caawa ulan afur iyo is-xogwaraysi ah la qaatay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda Puntland, kuwaas maalmahan ku xannibnaa xeyndaabka Xalane markii loo diiday inay Garowe aadaan.
Farmaajo wuxuuu si gaar ah ula hadlay Madaxweyne Xassan isagoo ugu baaqay inuu tanaasul la yimaado islamarkaana qabto doorashooyin la isku raacsan yahay.
“Madaxweynow hada Libaax baa tahay hadhow Bisad ha noqon ,anaa soo arkay wadadaan”” ayuu yiri Farmaajo.
Sidoo kale wuxu Farmaajo wuxuu uga digay Madaxweyne Xasan inuusan kaligiis doorasho qaban karin,wuxuu intaasi ku daray in hadii uu isku dayo inuu qabto doorasho aan wada ogol lagu ahayn ay u harsan tahay 2 bilood oo kaliya islamarkaana ay sugayaan umad Soomaaliyeed oo wada dhiban sida abaaraha dalka ka jira oo kale .
“Dalku waxa uu maanta ku jiraa xaalad adag oo u baahan xilkasnimo iyo isu-tanaasul, iyadoo danta guud laga hormarinayo damaca shaqsiga ah, sidaas awgeed Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan uga digayaa tallaabooyinka dhaawacaya dowladnimada iyo wadajirka dalka ee uu ku guda jiro” ayuu mar kale yiri Farmaajo.