DAAWO: Fiqi oo weerar Afkaa ku qaaday madasha Calaacalka.

19


Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si adag u dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee la baxay “Golaha Mustaqbalka”, isaga oo tilmaamay dhowr arrimood oo khatar ku ah dalka inkastoo uusan cadaymo soo bandhigin.

Wuxuu sheegay in xubnaha Golaha Mustaqbalka ay xiriir toos ah la leeyihiin dowlado shisheeye, isla markaana ay ka qeyb qaataan kulamo iyo qorshayaal uu Wasiirku ku tilmaamay kuwo lagu wiiqayo awoodda dowladda dhexe, isla markaana lagu burburinayo midnimada Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah u sheegay in qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka ay si dadban u taageeraan ururka Al-Shabaab, taasoo uu sheegay inay khatar weyn ku tahay amniga dalka.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu dhaliilay hab-dhaqanka Golaha Mustaqbalka ee hambalyada u diridda hoggaamiyeyaasha qaar sida Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay ku lug leeyihiin doorashooyin uu ku tilmaamay “boob” iyo wax isdabamarin siyaasadeed.

Wasiirku wuxuu xusay in Golaha Mustaqbalka aysan wax tallaabo ah uga muujin maamulka Waqooyi Bari, oo muddo dheer ku jiray marxalad kala guur ah, taasoo ka tarjumaysa midnimada siyaasadeed ee qeybsan.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku adkeystay in dowladda Federaalka ay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo adag oo ka dhan ah xubnaha Golaha Mustaqbalka, isagoo tilmaamay in xubnahan la xiri doono, la baaridoono, isla markaana la horgeyn doono maxkamad si loo caddeeyo waxyaabaha lagu eedeeyay.

Tani ayaa muujinaysa in dowladda ay ka digayso wax kasta oo khatar ku noqon kara midnimada iyo amniga dalka, iyadoo mucaaradku cambaareeyeen waxa ay ugu yeereen siyaasiyiinta aan xilkaska ahayn ayna hadalkooda u qaadan doonaan hanjabaad toos ah.