
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarad maanta lagu rasaaseeyay garoonka diyaaradaha ee degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda Star Airline ayaa la sheegay in, iyadoo ku jirtay marxaladdii ugu dambeysay ee soo degista isla markaana ku soo dhowaatay hawada degmada Waajid, si lama filaan ah rasaas looga furay gudaha garoonka, taas oo cabsi gelisay duuliyihii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ay saarnaayeen saraakiil iyo askar ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku sii jeeday degmada Waajid.
Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaasta ay fureen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku sugnaa gudaha garoonka xilliga ay diyaaraddu soo degaysay, iyadoo dhacdadan lala xiriirinayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan maamulka.
Duuliyihii diyaaradda ayaa durba qaatay go’aan degdeg ah oo badbaado ah kadib markii uu dareemay halista jirta, wuxuuna joojiyay qorshihii degista, isaga oo dib ugu laabtay hawada sare si uu uga fogaado khatar kasta oo iman karta.
Diyaaradda ayaa markii dambe ka dhaqaaqday hawada Waajid, iyadoo aan wax fariisasho ah sameyn, taas oo keentay in rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa ay ka badbaadaan xaalad halis ah oo ka dhalan kartay rasaastaasi.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidanka rasaasta furay ay hoos yimaadaan maamulka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed xooggan oo u dhexeeya maamulkaasi iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aaddan dhacdadan, xilli ay sii kordhayso xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.
Si kastaba, lama soo sheegin wax khasaare nafeed ama mid hantiyadeed oo ka dhashay dhacdadan, inkastoo ay weli socoto baaritaan ku saabsan sida ay wax u dhaceen iyo cidda mas’uuliyadda ka dambeysa falkaas.




















