Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag u dhaliilay siyaasiyiinta diidan in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, si looga gudbo doorashooyinkii dadbana.
Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale la yaab ku tilmaamay iney jiraan siyaasiyiin sheeganaya hoggaano xisbi oo hadana diidan in dalkaan laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah.
“Waxaad arkaysaa munaasabad ay ugu magac dareen shirweyne Xisbi oo ay xaadir ku wada yihiin madaxda iyo xubnaha xisbiga, waxaadna la yaabaysaa nin sheeganaya hogaamiyaha xisbiga oo ka soo qeyb galayaasha Shirka ugu sheekaynaya doorasho qof iyo cod ah ma rabno, haduusan rabin doorasho dadweyne muxuu u sheegaya Xisbi” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale xusay in loo baahan yahay in la kala saaro magaca Xisbi iyo NGO oo aanan la isku wadi karin
“Siyaasiyiinta meelaha la taagan hogaan xisbi ayaa nahay hadana diidan doorasho dadweyne waxaan u sheegaya in magac Xisbi iyo NGO, aysan shaqo isku laheyn la iskuna wadi karin” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.
Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha Xisbiyada ka tirsan iney ku biiraan Xisbiyo ogol doorasho qof iyo cod ah oo ay suurtagal tahay iney madax ka noqdaan.
“Muwaadiniinta Xisbiyada doorasho diidka ah waxaa ugu baaqayaa iney ku biiraan, xubno firfircoon iyo Madax ka noqdaan xisbiyada oggol doorashada ama in ay ayagu aasaastaan xisbiyo aysan cidna marti uga ahayn” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Ugu dambeyntii hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka ay dadaal badan ugu jirto sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah, halka siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulada Jubbaland iyo Puntland ay diidan yihiin in dalka laga qabto doorasho dadweyne.