DAAWO Lataliyaha Laftagareen oo u hanjabay Xildhibaanada Koonfur galbeed ee Dowlada Fedralka

73

La Taliyaha Madaxweynaha Maamula Koofur-Galbeex C/casiis Lafta-gareen ayaa muuqaal uu iska soo duubay wuxuu si adag uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex qarxay Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Maamulka K/Galbeed kaasoo 24-kii saac ee ugu danbeeyay cirka isku shareeray.

La-Taliyaha wuxuu si gaar ah ula hadlay Xildhibaamada Faderaalka ku matala Maamulka Koofur-Galbeed isagoo si cad ugu sheegay in kuraas bixintu taal Baydhaba balse aysan oolin Xamar iyo Villa Somalia.

“Shacabkeena waxaan ugu bishaareynayaa in Maamulku idin difaaci doono siduu idiin difaci jirey”ayuu yiri La-Taliyaha Laftagareen

“Xassan Shekh iyo Ra’iisulwasaaraha kursi idinma siin karaan ‘Kursi waxaa idin siin karaa dhulkiina iyo dadkiina”ayuu mar kale yiri.