
Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo maanta ciidamada Macawiisleyda ay ku qaadeen kooxda Al-Shabaab, kaas oo dhacay gobolka Mudug ee bartamaha dalka.
Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Dabagalo, iyadoo khasaare lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida uu sheegay xoghayaha maamulka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Muuqaal ay soo duubeen ciidamada howlgalka sameeyay ayaa lagu soo bandhigay hubka laga soo furtay Al-Shabaab oo ay ku jiraan qorayo AK47 ah, waxaana faah-faahiyay xoghayaha oo haatan ku sugan furimaha hore.
“Howlgalka wuxuu u dhacay sidii loogu talagalay, waxaana fuliyay ciidanka deegaanka ee Xaq-u-dirirka abaaro salaaddii Cisho kadib iyadoo uu ka dhacay deegaanka Dabagalo ee gobolka Mudug. Nimanka mujaahidiinta ee howgalka qaaday waxay soo furteen qoryaha meeshaan ka muuqdo” ayuu yiri xoghayaha degmada Xarardheere
Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in goobta lagu dilay horjooge uu magaciisa ku sheegay Geedi iyo lix kamid ah maleeshiyaad kale oo ilaalo u ahaa, kuwaas oo lagu beegsaday howlgalka oo su guul ah kusoo dhammaaday.
“Ninka la yiraahdo Geedi iyo lix nin oo istaafkiisa ah waxay kamid yihiin dadka meesha lagu dilay, waxaan rajeynayaa in deegaannada ay joogaan iyo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab looga daba tagi doono” ayuu raaciyay.
Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Macawiisleyda ee ku sugan koonfurta gobolka Mudug oo weli ka socdaan dagaallo culus.
Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan howlgallo xoreyn ah ka wada ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee xaq-u-dirirka, iyaga oo sidoo kale garab weyn ka helaya saaxibada caalamiga oo duqeymo cuus ka fuliyay gobolladaas.


















