Waxaa si rasmi ah loo baahiyay muuqaalada markii ugu horeysay oo Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro la gaarsiiyay Mareykanka tan iyo markii habeen hore ciidamada Mareykanku ka soo qabteen Madaxtooyada Dalkiisa isaga iyo xaaskiisa.
Booliis si gaar ah loo dhiibay amaanka Garoonka Diyaaradaha Stewart ee New York halkaasoo laga dejiyay sida muuqaalka aad ku arki kartaan MadaxweynMaduro iyo xaaskiisa,waxaana la sheegay in muuqaalka diyaaradaasi noqotay tii ugu daawashada badan dunida.
Xabsiga Metropolitan Detention Center ee degmada Brooklyn New York, Mareykanka ayaa durba la sheegay in lagu heyn doono Maduro
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio oo ka hadlayay qabashada Maduro ayaa sheegay in la siiyay fursad badan oo howlgalka looga baaqsan karay balse uu ka madax adeygay mana dhageysan hanjabaadii Mareykanka.
“Maduro waxaa la siiyay fursad badan oo looga baaqsan karay howlgalka soo qabashadiisa laakiin wuu iska ciyaarayay oo ma qaadan waxa loo sheegay, Madaxweyne Trump ma aha nin ciyaara waxa uu ku dhahayo waan sameyn waa wax uu sameynayo, taa ma uusan fahmin, ugu danbeyna wuu sameeyay oo natiijada ayaa noqotay waxa aad aragteen” ayuu yiri Marco Rubio.




















