DAAWO: “Mucaarad meel fadhiya oo go’aan leh ma jiro”

52

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta warsaxaafadeed soo saartay ayaa jawaab kulul ka bixisay eedeyntii Golaha Mustaqbalka ee ku aadaneyd fashilka wada-hadalladii Villa Somalia.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa mas’uuliyadda fashilka dhabarka u saaray isla Golaha Mustaqbalka ee horay u eedeeyay Madaxtooyada, wuxuuna sheegay inay ka baxeen ajendihii wada-hadalka ee lagu heshiiyay.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in markii hore la’isku afgartay saddex qodob oo kala ah 1- In la dhiso guddi kasoo tala-bixiya hannaanka doorashada ee heer federaal,

2- in la qabto doorashooyinka Dowlad-goboleedyada uu dhammaaday muddo xileedkooda.

3- In bisha April la’isugu soo laabto kulanka labaad, si loo sii amba qaado wada-hadalka, balse heshiiska ay ka baxeen mucaaradka.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in xubnaha qaar golaha ay la yimaadeen qodobo cusub oo ay ku faro-gelinayaan doorashooyinka maamullada kale.

“DFS waxay nasiib darro aragtaa in maalintii kowaad ee wada-xaajoodka ay qaar kamid ah xubnaha Golaha Mustaqbalku si kadis ah u beddaleen ajendihii lagu heshiiyay, iyaga oo kusoo daray qodobo cusub oo aan horay loogu heshiin, kuwaas oo aan lahayn sal dastuur iyo tixraac sharci” ayuu yiri Al-Cadaala.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Qodobadaas waxaa kamid ah in Golaha Mustaqalku ay talo toos ah ku yeeshaan hannaanka doorashooyinka ee Dowlad-goboleedyada kale, taas oo ah arrin si cad uga hor imaaneysa mabaadi’da ku xusan dastuurka dalka”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamtay warsaxaafadeedkii Golaha Mustaqbalka ee shalay lagu sheegay in ay burbureen wada-hadalladii socday, waxayna carrabka ku dhufatay inay dhaawaceyso geeddi socodka wada-hadallada labada dhinac.

“Waxaa nasiib darro ah in Golaha Mustaqbalku ay soo saareen bayaan baal-marsan habraacyadii, nuxurkii iyo ruuxdii wada-xaajoodyada labada maalmood socday iyo kulamo doceedyadii gogol xaarka ahaa ee ka horreeyay, taas oo dhaawaceysa geeddi socodka wada-hadalka” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay inay ka go’an tahay hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka, kana tarjumeysa rabitaanka shacabka, iyada oo la ilaalinayo midnimada dalka Soomaaliya.