
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa xalay ku dhawaaqay in muddada xil-heynta Baarlamaanka 11-aad ay tahay shan sano, kaddib markii xildhibaannada Labada Aqal ay Arbacadii ansixiyeen dastuurka cusub ee Dowladda Federaalka.
Baarlamaanka 11-aad ee hadda shaqeynaya, oo lagu soo doortay Dastuurkii KMG ahaa ee markaas jiray, waxaa lagu asteeyay in muddada xilheyntiisu tahay afar sano, kana bilaabaneysa maalintii xildhibaannada Labada Aqal la dhaariyey, taas oo ahayd 14-kii Abriil 2022, kuna eg 14-ka Abriil 2026.
Hase yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baarlamaanku sii shaqeyn doono muddada uu oggol yahay dastuurka cusub ee la meel mariyey, taas oo ah shan sano.
Waxay sidoo kale tani ka dhigan tahay in muddo xileedka madaxweynaha uu yahay shan sano, sida ku cad dastuurka cusub, taasi oo ka dhigan in madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka sii hayn doono illaa May 2027.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadalkiisa laga dheehan karay in baarlamankan, oo muddada xilheyntiisu geba-gebo ku dhowdahay, uu la jaanqaadi doono dhaqangelinta dastuurkan, kaas oo wax ka beddelkiisa si weyn loogu kala aragti duwan yahay.
Siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo.
“Baarlamaanku wuxuu shaqeyn doonaa inta uu tilmaamay dastuurka hadda la ansixiyay, ayuu joogi doonaa. Dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ma ahan ee waa dastuur rasmi ah. Inta uu tilmaamay ayay Baarlamaanka iyo hay’adaha dastuuriga ahi shaqeyn doonaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xalay ka hadlayay kulan afur ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u sameeyay xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka.
Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa yiri, “Kalfadhiyada noo harsan, shuruuc kale oo muhiim ah oo hadda laga gaari waayay iyo waxyaabo kale oo dowlad-dhiska ka mid ah ayaan ku qaban doonnaa.”
Aadan Madoobe ayaa sheegay in xildhibaannadu ay Arbacadii fasax galeen si ay u soo nastaan, maadaama, sida uu yiri, ay waqti dheeraad ah shaqeynayeen, isla markaana ay shaqada dib ugu soo laaban doonaan marka fasaxoodu dhammaado.
Aadan Madoobe ayaa intaas ku daray in xildhibaannadii la ganaaxay ay la mid yihiin xildhibaannada kale, wuxuuna ugu baaqay in iyaguna ay shaqada ku soo laabtaan marka fasaxu dhammaado.
“Fadhiga soo socda hal qof inuu naga maqnaado ma rabno, waxaana leenahay idiinkana imaada, ganaaxiinnii waa dhammaaday, dastuurkiinna waa la ansixiyay, idiinkana imaada ayaan leenahay walaalayaal, wax naga halaaysanna ma jiraan,” ayuu yiri Aadan Madoobe.
Dhanka kale, Aadan Madoobe ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu yeeray in aysan ka hor imaan dastuurka cusub, haddii kalena loo aqoonsan doono kuwo diidan qaranimada Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale xusuusiyay in musharrax kasta uu doorashadii hore ku ololeynayay in uu dhammaystiri doono dastuurka dalka, isla markaana uu sheegay in Madaxweynaha talada haya uu ku guuleystay arrintaas, sidaas darteedna aysan jirin sabab ay u diidi karaan.
Aadan Madoobe ayaa carrabka ku adkeeyay in aanu dastuurkan noqon doonin mid meel iska yaalla, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh ku booriyay in la dhaqangeliyo.




















