
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta kaarka cod-bixinta ka qaatay degmada Kaaraan oo uu horay isaga diiwaan-geliyay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira doorashada iyo amniga, isaga oo jawaab kulul siiyay Sheekh Shariif.
Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG oo dhawaan ka hadlay xaaladda guud ee Muqdisho ayaa nasiib darro ku tilmaamay amniga ka jira caasimada, taas oo dhalisay dood culus, maadaama haatan Muqdisho laga dareemayo xasilooni weyn oo dhinaca ammaanka ah.
“In la yiraahdo magaalada waa amni doorasho xur ah oo xalaal ah ayaa ka jirta aniga waxaan u arkaa nasiib daro aad u weyn iyo wakhti la beel-dareynaayo iyo lacag lagu ciyaaraayo” ayuu Shariif ku yiri wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da.
Duqa Muqdisho oo ka jawaabay hadalkaas ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay hadalka kasoo yeeray Shariif, wuxuuna tilmaamay in laga soo gudbay xilligii dilalka iyo qaraxyada,
“Fooriyihii iyo madax jabin miyaa nasii wanaag ah marka?, Xamar hal qarax oo kun qofood ku dhimata waa ka gudubtay”. ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Nabad-gelya xumada ayaa nasiib darro ah ee nabaddu waa nasiib uu Ilaahey na-siiyay oo inaan ilaashano ay tahay”.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in qofka siyaasad rabo uu ka raadin karo halka ay ka jirto, loona baahan yahay inuu u diyaar garoobo doorashooyinka qof iyo codka ah.
“Waddo kale oo furan ma jirto oo aan ka ahayn doorasho toos ah, sida uu innoo sheegay hoggaamiyaheenna dal-xoreeye” ayuu mar kale yiri duqa magaalada Muqdisho.




















