DAAWO: RW Xamse: “Muddo xileedka dowladda waa 5-sano meel looga baxo ma jirto”

27

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa si adag u caddeeyay in muddo xileedka dowladda uu yahay shan sano, isla markaana aan laga leexan karin qodobkaas.

Wuxuu sheegay in haddii la tixraaco Dastuurka Federaalka Soomaaliya 2012 iyo wax ka beddelka lagu sameeyay ee dhowaan la ansixiyay, labaduba si isku mid ah u qeexayaan muddada xilka hay’adaha dowladda, taasoo meesha ka saaraysa muran kasta oo arrintan ku saabsan.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in dastuurku yahay heshiiska ugu weyn ee mideeya dalka, isla markaana uu saldhig u yahay sharciyadda dowladda. Sidaas darteed, ayuu yiri, lama oggolaan karo in si siyaasadaysan loo fasirto ama looga baxo qodobada cad ee qeexaya muddada xilka. Wuxuu sidoo kale hoosta ka xarriiqay in ilaalinta dastuurka ay tahay mas’uuliyad wadajir ah oo saaran dhammaan hay’adaha dowladda iyo siyaasiyiinta dalka.

Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ay soo jeedinayaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan muddada xilka iyo qaabka loo wajahayo doorashooyinka soo socda, iyagoo sheegaya ineysan aqoonsaneyn dastuurka cusub. Muddo xileedka DFS u uku egyahay 15 May ee san adkan/

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si dadban uga jawaabay aragtiyahaas, isagoo caddeeyay in dowladdu aysan aqbali doonin wax kasta oo ka hor imanaya dastuurka.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa u arka hadalka Ra’iisul Wasaaraha inuu yahay fariin cad oo ku wajahan dhinacyada siyaasadda, si looga hortago jahwareer siyaasadeed iyo muran ku saabsan muddo xileedka. Waxay sidoo kale tilmaamayaan in arrintani muhiim u tahay xasilloonida dalka, maadaama muran ku saabsan muddo xileed uu sababi karo dib u dhac ku yimaada geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo doorashooyinka.