
Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay shir-guddoomiyey Shirka Wadatashiga Dowladda Puntland iyo Mudanayaasha Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Shirkan ayaa qabsoomay xarunta Madaxtooyada Dowladda Puntland Garowe, iyadoo qaar ka mid ah mudaneyaasha ay uga soo qayb-galeen habka fogaan aragga ah.
Shirka wadatashiga ayaa maamulka Puntland iyo mudaneyaasha ku metela Puntland Dowladda Federaalka ah waxay iyaga oo isku duuban u soo saareen mowqifka Puntland ay uga soo horjeeddo wax ka bedelka aan sharciga ahayn ee aan heshiiska lagu ahayn ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bedelayo Dastuurka KMG ah.
“Dowladda Puntland waxay aqoonsantahay Dastuurka KGM ah ee heshiiska lagu yahay ee 2012,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka.
Sidoo kale waxaa lagu yiri “Wax kasta oo laga beddelo Dastuurka oo aan heshiis lagu aheyna waa waxba kama jiraan, Puntland qeyb kama aha, meel uu ka shaqayn doonana majirto.”
Shirkan ayaa imanaya xilli Axaddii magaalada Garoowe laga celiyay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Puntland, kuwaas oo doonayay inay ka qayb-galaan wada-tashi uu ugu yeeray madaxweyne Siciid Deni, kaas oo ugu dambeyn ku qabsoomay hab fogaan arag ah.
Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa laga mamnuucay inay ka baxaan magaalada Muqdisho, iyadoo guddoonka labada Aqal ee BF uu faray ciidanka nabad-sugidda garoonka in uusan jirin xildhibaan bixi kara.
Guddoonka ayaa shardi ka dhigay in xildhibaanka raba inuu ka dhoofo Muqdisho uu fasax ka haysto, taasoo keentay in xildhibaannada mucaaradka u safri waayan Garoowe.
Arrintan ayaa sii hurisay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gudaha dalka, iyadoo maamulka Puntland uu waxa dhacay ku tilmaamay “fal-dambiyeed dil ah”, kadib markii Axaddii hawada laga celiyay diyaaraddii ay la socdeen xildhibaannada, taasoo ku socotay Garoowe.




















