DAAWO: Somaliya oo xaqiijisay iney jiraan diyaarado ka duula Boosaaso oo taga Suudaan

50

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay oo la xiriira in diyaarado ka duuleen garoonka Boosaaso, islamarkaana ku dageen dalka Suudaan.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inuusan si rasmi ah u garaneyn diyaaradaha ka duulay Boosaaso waxa ay geeyaan dalka Suudaan, hayeeshee uu qirayo iney jirto diyaaradaha ka duula Boosaaso ee taga dalka Suudaan.

Dadka Soomaaliyeed hortooda waxaan ka qireyaa inay jiraan diyaarado ka duula garoonka Boosaaso oo aada Suudaan, laakiin magaraneyno waxay qaadaan oo ay geeyaan” ayuu yiri Wasiir Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu maanta ku hortagay Golaha Aqalka sare, kaasoo su’aalo ay ku waydiiyeen Senetarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiir Fiqi ayaa kusoo aadaya, iyadoo Warbaahinta gudaha iyo tan Caalamka maalmihii u dambeeyay hadal haayeen in diyaarado ka yimid Imaaraadka Carabta oo Boosaaso ku degay, dabadeedna kaga sii gudbay dalka Suudaan oo uu ka socda dagaal u dhaxeeya ciidanka Suudaan iyo kuwa Jabhada hubeysan ee RSF.