
Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo hadal ka jeediyay shirweynaha Golaha Mustaqbalka ee ka furmay magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in Soomaaliya kala tagi karto haddii la ismaqli waayo.
“Haddii la ismaqli waayo, la is-ixtiraami waayo oo la wada noolaan waayo, horey ayay u soo dhacday, wixii ka dhasha waan garaneynaa oo waa la kala irdhoobayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inaysan Kismaayo u imaan inay eedeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, balse ujeeddadoodu tahay sidii wadatashi dhab ah loo yeelan lahaa, isla markaana wax looga qaban lahaa xaaladda dalka.
“Dowladda Federaalka ah ee aan ka wada tirsanahay mas’uuliyad ayaa naga wada saaran, mas’uuliyadaas haddii aan gudano waajib aan lahayn oo gudano weeyi, haddii aan dayacnana waajib umadeeda noo igmatay oo dayacmatay weeyi,” ayuu yiri.
Sidoo kale, Saciid Deni ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu ogolaado wada-tashi, isla markaana miiska wada-hadalka la iskugu soo laabto, si doorasho wadar-ogol ah uga qabsoomto dalka.
“Soomaali waxaan u baahanahay; Ilaahay baa meel nagu wada abuuray in aan wada noolaano sida umadaha kale u wada nool yihiin, deriskeena la noolaano, oo caalamka la noolaano,” ayuu yiri Deni.
Waxa uu intaas ku sii daray: “Waxa noo dhaxeeya ma aha wax aan xalin karin. Baaqayga ugu muhiimsan waxaa u dirayaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu talo ogolaado, la wada leeyahay oo miiska wada-hadallada dib la iskugu soo noqdo, si dalka doorasho heshiis lagu yahay loogu hogaamiyo. Wax kale oo dhiman ma jirto.”




















