Wasiirka Arimaha gudaha Dowlada Somalia Cali Xoosh ayaa daboolka ka qaaday in Nin kaste oo Siyaasi ah islamarkaana u kireysan dowlado shisheeye sidoo kalana xil ka raba Dowladnimada Soomaaliya aysan u suuragaleyn.
“Kuwa Dowladaha shisheeye u kiraysan xukunka waan ka ilaalinaynaa”ayuu yiri Wasiir Xoosh oo intaasi ku daray in kuwaasi Soomaali isu dhiibi doonin oo xukuna aysan ku shafeyn
Wasiir Cali Xoosh wuxuu sidoo kale Soomaalida uga digay inay iska ilaaliyaan kuwa qolofka Soomaaliga ah ka ah sida uu shegay ee shisheeyaha u danbeeya
“waxaan lenahay kuwa hadaba u kireysan Dowlado shisheeye ee wax ka qaata ee la wada ogyahay oo hadana xil Somalia ka raba ,oo hadaba diidan masaalixda Soomaaliya , ma Somali baa isu dhiibeysa oo xukun ku sharfeysa, kuma sharfi-kadho,Somalidana waxaa leeyahay kuwa nuucaas ah halaga ilaaliyo xukunka” ayuu mar kale Wasiir Cali Xoosh.




















