DAAWO: Wasiir Fiqi nidaamka E-Visa Wuxuu wax ka taray dagaalka Daacish

53

Wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in barnaajimka E-visa uu wax ka taray la dagaalanka kooxda Daacish ee dhuumalaysanaysa buuraleyda Calmiskaad ee Puntland.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay intii barnaajimkaasi furnaa uusan jirin hal qof oo Daacish ah oo diyaarad ku soo galay buuraha Calmiskaad.

Waxaa uu xusay in ajaanib badan oo baasabooradooda la qabtay ay kuligood ku yimaadeen diyaaradaha ka dega Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo sida uu sheegay u badnaa Carab.

“Buuraha Puntland, baasabooro badan oo ajnabi carab ah u badan oo laga qabtay Daacish, kuligood waxay ku yimaadeen diyaaradaha ka dega Puntland iyo Somaliland. Hadda waa yaraatay, hal qof oo argagixiso ah oo diyaarad soo raacay ma jiro intii ay furnayd E-visa. Daacish waa u dhammaatay” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Fiqi waxa uu ujeedada barnaajimka E-visa ku tilmaamay mid lagu ogaanayo cidda soo gasha gudaha dalka, balse aysan ahayn mid lagu dhibayo Puntland iyo Somaliland ama xitaa dad kale oo Soomaaaliyeed.