
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga jawaabay hadalladii uu xalay jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo dhaliil u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda federaalka.
Sheekh Shariif, oo ka hadlay munaasabadda 1-da Luulyo, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan maanta ka jirin xorriyad dhab ah, isla markaana shacabka ay u dabaal-dagayaan oo keliya xorriyaddii la qaatay sanadkii 1960. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dowladda inay ku kacayso xarig, caburin iyo faragelin ka dhan ah dowlad goboleedyada.
Jawaabtiisa, Wasiir Fiqi ayaa ku eedeeyay Sheekh Shariif inuu caado ka dhigtay aflagaadeynta madaxda dowladda, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu sidoo kale sheegay in guriga Sheekh Shariif uu noqday goob lagu abaabulo dhaliilaha dowladda laguna soo ururiyo dhalinyaro, sida uu hadalka u dhigay.
“Shariif waa nin kusoo wareeray dagaalkii uu dhawaan galay iyo hadalladiisa. Gurigiisa wuxuu noqday meel lagu caayo Madaxweynaha, carruur badanna boorar ayuu u dhiibaa,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi.




















