DAAWO: “Wiilashan dad masuuliyiin ah ayaa afduubtay”

70

Taliska Booliiska Somalia ayaa goor dhaw markii ugu horeysay si rasm,i ah uga hadlay laba wiil oo mataano ah oo baraha bulshada iyo warbaahintu si weryn u hadal hayeen kuwaasoo la sheegay in qaab diblomaasiyaadeed u af duuban yihiin xili Xildhibaan adeerkod ah lagu eedeyanayay inuu ilmaha rakaato ku heysto.

Af hayeenka Booliiska C/ataax Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horeyn Xildhibaanka oo lagu magacaabo Yuusuf Kabaale wuxuu ka bari-yeelay in ilmaha uu adeerka u yahay uu isagu ka danbeeyo dhibaateyntooda balse shaqsi kale in loo xirey ayuu ku dhawaaqay islamarkaana Dowladu Maxkamad soo saari doonto lamana yaqaan shaqsiga madaama uusan isagu carabaabin.

“Hadii aan AS ka adkaanay masuuliyiinta dhibaatada wada waa cambuulo carab saaran oo iyagana sharcigaan hor geyneynaa”ayuu yiri Af-hayeenka oo garbihiisa ay ka muuqdeen labada wiil ee mataalanaha iyo aabahood.

Aabaha dhalay mataanayaasha ayaa isna shegay inuu maanta ku faraxsan yahay in carurtiisa Dowladu u soo wada heshay oo maanta ay garbihiisa taagan yihiin iyagoo nabad qaba, dhanka kale dadka ka fal-celinayay warkaan Booliiska ka soo baxay ayaa wali shaki badan muujinaya madaama adeerkii wilashu sheegi jirin inuu isagu adeegsanayo kuwa dhibaateynayo Dowladu bari-yeeshay.