DAAWO: Xaaska taliyaha Booliska Soomaaliya oo sheegtay in ay u tartamayso Xildhibaanimo.

14

Makko Maxamuud Muuse Cadde, oo ku magac dheer (Makko Cafiif), ahna xaaska Taliyaha Booliska Soomaaliya, Jen. Asad Cismaan Diyaano, ayaa magaalada Ceel Dheer si rasmi ah uga dhawaaqday inay u tartamayso kursi ka tirsan Golaha Shacabka, kaas oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Maxamed Cajiib, oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga JPS.

Ku dhawaaqista musharraxnimadeeda ayaa ku soo beegantay xilli wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayna qeyb ka ahaayeen Taliyaha Booliska Soomaaliya, Jen. Asad Cismaan Diyaano, ay booqasho ku tageen degmada Ceel Dheer. Booqashadaas ayaa siyaasad ahaan loo fasiray inay qeyb ka ahayd ololaha iyo dhismaha taageerada musharraxnimada Makko Cafiif, oo kasoo jeedda deegaannada Ceel Dheer, Masaga-Waay iyo Galcad.

Marwo Makko ayaa sheegtay inay u taagan tahay inay matasho dhammaan bulshada ku nool deegaan-doorashada Ceel Dheer, iyadoo carrabka ku adkeysay inaanay kala sooc u sameyn doonin beelaha deegaanka.

> “Waxba idinkama qarinayo, waxaan ahay musharrax xildhibaan. Deegaankan Ceel Dheer ayaan wax ku leeyahay. Beesha Wacaysle ee dhalashadaydu tahay kalama saaro; hebel waaye iyo hebel kalama aqaan,” ayay tiri Makko Cafiif.

Kursiga ay u tartamayso Makko Cafiif waxaa hadda ku fadhiya Xildhibaan Maxamed Cajiib, oo ah Xoghayaha Arrimaha Bulshada, Shaqada iyo Shaqaalaha ee xisbiga JPS.

Xildhibaan Maxamed Cajiib ayaa sidoo kale loo arkaa siyaasi si dhow ula shaqeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu Guddoomiye u yahay Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Cod-bixinta ee Golaha Shacabka, oo ka mid ah guddiyada ugu muhiimsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xilli uu dalka isu diyaarinayo marxaladda doorashooyinka iyo dhammaadka muddo xileedka hay’adaha federaalka.