DAAWO Xasan Sheekh oo iska diiwaangeliyay doorashada hal qof iyo hal cod

7

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah Madaxweynaha Soomaaliya isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga siyaasadeed ee JSP, ayaa si rasmi ah isu diiwaangeliyay doorashada hal qof iyo hal cod ah, waana tallaabo muhiim ah oo uu ku muujinayo taageeradiisa buuxda ee hirgelinta nidaamkaas doorasho.

Is-diiwaangelinta madaxweynaha ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan doodo iyo muran siyaasadeed oo ku saabsan qaabka loo wajahayaa doorashada dalka, waxaana socotay wada hadalo arrimahaasi la xiriira oo dhowr shirar ah ay kawada yeesheen isaga iyo hogaanka Mucaaradka dalka.

Nidaamka doorashada qof iyo codka ah ayaa noqday mid hadal hayn badan ka dhex abuuray siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhowr jeer ku celisay in 2026 laga hirgelin doono doorasho qof iyo cod ah oo si toos ah loo qabto guud ahaan dalka, taas oo beddeli doonta nidaamka qabiilka ee ku dhisnaa 4.5.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan sheegay in nidaamka hadda jira uu yahay mid “wakhtigiisii dhammaaday” islamarkaana shacabka Soomaaliyeed xaq u leeyihiin inay helaan awood buuxda oo ay kaga qayb qaataan doorashada hoggaankooda si toos ah.

Si kastaba, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada ayaa si weyn u dhaliilay qorshahan, iyagoo sheegay in aanay jirin diyaar-garow buuxa, jawi amni, iyo kalsooni siyaasadeed oo lagu qaban karo doorasho noocaas ah.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu berri la ballansan yahay hoggaamiyeyaasha mucaaradka si ay uga wada hadlaan suuragalnimada doorasho qaran oo loo dhan yahay, laguna wada heshiiyo.

Waxaa la filayaa in kulankaasi uu noqon doono mid go’aamiya jihada ay u socoto doorashadu, maadaama mucaaradka ay horay u muujiyeen cabashooyin la xiriira daahfurnaanta iyo xilliga doorashada.