Daawo: Xasan Sheekh oo muujiyay sida uu ugu farxsan yahay dhamaystirka Dastuurka

51

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ansixinta dhameystirka dastuurka KMG ah.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay dhameystirka wax ka beddelka dastuurka KMG ah, sida uu sheegay guddoonka Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo tallaabada ay ku ansixiyeen dastuurka dalka ku tilmaamay mid taariikhi ah.

“Dhamaan dadka Soomaaliyeed maanta waa maalin taariikhi ah oo ku suntan dhameystirka dastuurka qaranka iyo gaba-gabeynta rasmiga ah ee marxaladdii KMG aheyd ee muddada dheer soo jiitamaysay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Maanta waa maalin lagu xasuusan doono hanashada guul qaran oo muddo dheer la sugayay, taas oo naga saartay ku-meel-gaarnimadii, noona horseeday hanashada hanaan dowladnimo oo ku qotoma saldhig sharciyeed oo adag.”

Dastuurka ayuu sheegay madaxweynuhu inuu soo maray geeddi-socod dheer oo dib-u-eegis iyo wax ka beddel ah. “Tan iyo xornimadii 1960-kii, Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan oo ku saleysan dastuur iyo nidaam dowladeed.”

“Qiimaha ay maanta u leedahay umadda Soomaaliyeed ma ahan oo keliya in la ansixiyay dastuurkii qaranka, ee waa maalin ay umadda Soomaaliyeed si rasmi ah uga gudubtay marxaladdii ku-meel-gaarka aheyd, una tallaabtay dowladnimo dhameystiran oo sharciyad buuxda leh,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay muddo 14 sano ah ku shaqeynaysay qaab ku-meel-gaar ah, kaasi oo noqday dabar sharciyeed iyo caqabad weyn oo hor istaagtay xaqiijinta xasillooni buuxda oo dalka gaaro, haddii ay ahaan lahayd dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, bulshada iyo xiriirka caalamiga ahba.

“Maanta safarkaas dheer ee qarankeenna Soomaaliyeed soo galay waxa uu gaaray yoolkii uu hiigsanayay, oo ah helitaanka saldhig sharciyeed oo dhameystiran, kaas oo haga howlaha ay qabanayaan hay’adihiisa kala duwan, umadda Soomaaliyeedna awood u siiya jiheynta siyaasadda dalka.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuurkan cusub uu sababayo saadaalin ku saabsan Soomaaliya iyo jihada ay u socoto, taas oo lagu saleyn karo sharciyad dastuuri ah oo dalka iyo dadku leeyihiin.

Hoos ka daawo muuqaalka