Madaxweynaha Soomaaliyaa Dr. Xassan Sheekh ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay kadib muddo sannad ah oo khilaaf weyni hareeyay Maamulka iyo Dowlada Somalia.
Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Jubaland ayaa garoonka diyaaradaha kaga hortagay kuna soo dhaweeyay halkaasi Madaxweyne Xassan isaga iyo wafdiga uu hogaaminayay,ciidamada baanbeyda ayaa Madaxweynaha u tumay astaanta qaranka.
Labada Masuul ayaa lagu wadaa inay yeeshaan wada-hadalo lagu xalinayo khilaaka keenay gacan ka hadalka kaasoo ka dhici doona madaxtooyada Magaalada Kismaayo si ay uga heshiiiyan wixii hore u dhacay xili dalku kala guur sii galayo oo uu dhamaaad yahay muda xileedka Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.