DAAWO: Xasan Sheekh oo u jawaabay Farmaajo +SAWIRRO

92
xasan Sheekh vs Farmaajo
xasan Sheekh vs Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xassan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd jawaab culus ka bixiyay hadal xalay ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo kaasoo sheegay in Muqdisho ay ka jirto gaajo ka daran tii caga bararkii sagaashameedyadii dhacday.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in Madaxda mucaaradka ay inta badan dalka ka maqan yihiin halka mar ay imadaan ay inta hoteelo isku soo oodaan sheegayaan waxaysan hubin,Madaxweyne Xasan wuxuu ugu baaqay madaxda mucaaradka inay magaalada galaan soo arkaan quruxda ,nabada iyo horumarka magaalada ka jira.

“intaad gurigaada iyo hotel Jazeera isku soo oodid balaayo meeshaasi haka soo faafine waxaad hubto sheeg” ayuu yiri Madaxweyne Xassan

“inta badan dalka waaba ka maqan yihiine,marka ay dalka yimaadaan ha baxaano oo dadka ha dhex-galaan hana soo arkaan” ayuu yiri mar kale Madaxweyne Xassan.