DAAWO: Xassan Shiikh oo qaatay kaarka codeynta doorashada G/Banaadir+SAWIRRO

49

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud ayaa manta kaarkiisa codeynta ka qaatay degmada Warta nabada oo uu markii hore iska diiwaan geliyey.

Doorashooyinka goleyaasha degaanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la filayaa iney 25ka bishan ka dhacaan magaalada Muqdisho sida uu sheegay guddiga doorashooyinka Qaranka.

 

Waxaan maanta si rasmi ah u qaatay Kaarkayga Codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waa fursad taariikhi ah in 57 sanno ka dib ay shacabka Soomaaliyeed fursad u heli doonaan inay si toos ah u doortaan dadka ku matali doona Golaha Deegaanka. In dadka Soomaaliyeed ay si xor ah oo toos ah wax u doortaan ma ahan ajande gaar ah ee waa waajib dastuuri ah oo ay Dowladdu fulinayso.

Maalin ayaa jirtay inaan aniga iyo rag badan oo saaxibadeey ah oo siyaasiyiin ah aan dadka Soomaaliyeed inta soo hor-istaagnay aan balanqaadnay in mas’uuliyiinta ka talinaya aayahooda iyo mustaqbalkooda ay iyagu dooran doonaan oo ay go’aan ka gaari doonaan. Ballan-qaadkaas aan maalintaas sameeyay ayay tani u tahay tallaabadii u horeysay ee xaqiijinaysay.