Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Nuqulka Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah tiirka ugu muhiimsan ee dhismaha dowladnimada iyo nidaamka sharci ee dalka, kaddib markii ay soo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Madasha saxiixa Dastuurka ee Qasriga Madaxtooyada ayaa tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya ay dowladdu billaabayso dhaqan galinta Dastuurka cusub ee dalka, kaasi oo uu xusay in uu saldhig u noqonayo xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.
“Maanta waxaa soo gabangaboobay, safarkii dheeraa ee dib u eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo dheer soo ahaa, mid ku meel gaar ah, Baarlamaanka Federaalkuna ay dhowaan ansixiyeen. Ilaaheey idankiis, maanta wixii ka dambeeya, waxaa noo billaabandoona dhaqan galintiisa”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa ku wehliyay Munaasabadda saxiixa dhaqangalinta Nuqulka Dastuurka cusub Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Dib u eegista Dastuurka.





















