Ciidanka booliiska Soomaaliya, gaar ahaan saldhigga degmada Xamar Weyne , ayaa caawa xabsiga dhigay nabadoon si weyn mucaarad ugu ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir, ayaa lagu sheegay in la xiray Nabadoon Xuseen Maxamed Xaadoole oo lagu eedeeyay in uu ku kacay falal isugu jira qalqalgelin amni iyo aflagaado Madaxeed.
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Saldhigga Xamar Weyne, ayaa sooxiray Eedeysane Xuseen Maxamed Maxamuud, kaas oo ku kacay falal iskugu jira qalqalgalin Amni iyo Aflagaado Madaxeed, waxaana la horgeyndoonaa Maxkammadda Awooda uleh” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska gobolka Banaadir.
Sida aan xogta ku helnay nabadoonkan la xiray, ayaa ku eedeysay in si weyn wax uga sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal uu Madaxweynaha si weyn wax uga sheegayay.
Nabadoonkan booliiska xireen , ayaa la dhashay Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo kamid ah siyaasiyiinta caanka ah ee xilligan la dhacsan hab-maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu horey mucaarad ugu ahaa balse markii danbe la heshiiyay.