
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeedo Puntland ayaa maalintii laga celiyay Garoowe, xilli ay doonayeen inay ka qayb-galaan wada-tashi uu ugu yeeray madaxweyne Saciid Deni.
Xildhibaannada oo mar kale saaka tegay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa laga hor istaagay inay ka baxaan, taas oo keentay in mar kale uu baaqdo safarkooda.
waxaa maanta amar culus dul-dhigay xildhibaannadaas guddoonka labada Aqal oo ciidanka Nabad-sugidda garoonka faray in uusan jirin xildhibaan bixi kara, isaga oo aan fasax ka heysan guddoonka.
Intaas kadib xildhibaannada ayaa dib isaga soo laabtay garoonka, waxaana qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay dhaleeceeyeen madaxda dowladda.
Arrintan ayaa sii hurisay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gudaha dalka, iyada oo madaxweynaha Puntland oo shir jaraa’iid qabtay uu waxa dhacay ku tilmaamay ‘fal-dambiyeed dil ah’, kadib markii shalay hawada laga celiyay diyaaraddii ay la socdeen xildhibaannada oo ku socotay magaalada Garoowe.
“Intaas waxaa loo sameynayaa oo hadddana loo diiday xildhibaannada usoo socday deegaan doorashadooda inay la tashi soo sameeyaan waa in ay DFS ku foogan tahay inay afduubto sharciga iyo kala dambeynta dowladnimada” ayuu yiri Saciid Deni.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Ficilka maanta dhacay waa afduub loo gaystay dadkii rakaabka ahaa ee isugu jiray shacabka iyo mas’uuliyiinta dadkaa laga afduubay inay Garoowe soo aadaan ee hadda ku xayiran garoonka Aadan Cadde waxaan ka codsaneynaa dadka waxgaradka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta damiirka uu weli ku haray inay dadkaas xorriyadooda siiyaan”.




















