
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Magaalada Laascaanood ayaa saakay si weyn looga dareemaya qabanqaabada loogu jiro u diyaargarow lagu soo dhaweynayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa.
Laascaanood waxaa ku sugan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray labada maalin ee la soo dhaafay, Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xildhibaano ka tirsan labada Gole iyo masuuliyiin kale oo maalmihii lasoo dhaafay gaarayay halkaas.
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa safarkaan waxa uu u noqonaya kii labaad oo uu ku tago Magaalada Laascaanood, isagaoo xilkaan haya, wuxuuna horay u tagay 12-kii April sanadkii lasoo dhaafay 2025.
Amniga guud ee magaalada Laascaanood ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka magaaladaasi lagu arkaya ciidamao aad u tiro badan oo sugaya amniga Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Ugu dambeyntii waxaa sidoo kale lagu wada in saacadaha soo socda uu halkaasi tagi doono Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo madaxdu ay Laascaanood uga qeyb gali doonaan Caleemo saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdulqaadir Firdhiye.






















