Xiisadda ka aloosan waqooyiga Itoobiya ayaa mar kale cirka isku shareertay, wax ka yar saddex sano kaddib heshiiskii nabadeed ee Pretoria lagu gaadhay dhammaadkii dagaalkii labada sano socday ee Tigray. Warbixin cusub oo ay daabacday DW ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Eriteriya ay si qarsoodi ah u taageerayaan kooxo hubeysan oo Itoobiya gudaheeda ka dagaalamaya, taasoo cabsi gelisay dadka deegaanka oo ka baqaya in dagaal hor leh uu qarxo.
Dadka ku nool magaalada Mekele ee xarunta gobolka Tigray ayaa sheegay inay ku nool yihiin cabsi iyo hubanti la’aan. “Ma qorsheyn karno wax, waxaan iska ilaalineynaa in dagaal cusub uu qarxo,” ayay tidhi haweeney deegaanka ah. Qiimaha nolosha oo sare u kacay iyo fursadaha shaqada oo yaraaday ayaa sababay in nolosha dadka deegaanku adkaato, waxkastaana waxay ku tiirsan yihiin nabad buuxda oo la helo si ay u dhistaan nolol cusub.
Dagaalkii hore, ee gobolka gilgilay ciidamada Eriteriya ayaa garab siiyay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyagoo dagaal kula jiray Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF). Balse heshiiskii Pretoria ee dagaalka lagu soo afjaray lagama qaybgalin dowladda Eriteriya, taasi oo ay xukuumada Asmara ka cadhootay, waxaana laga cabsi qaba in ciidamada Eriteriya ay hubeeyaan jabhado kasoo horjeeda xukuumada Addis Ababa.
Gobolka Tigray ayaa wajahayaa dhibaatooyin siyaasadeed oo gudaha ah. TPLF oo horey u ahayd awoodda ugu weyn ee gobolka ayaa hadda wajahaysa kala qaybsanaan. Jeneral Tadesse Werede, oo horey u ahaa taliyaha ciidamada difaaca Tigray (TDF), ayaa loo magacaabay madaxa maamulka kumeelgaadhka ah ee gobolka. Isagoo beeniyay wararka sheegaya dagaal soo socda, ayuu sheegay in aanu wax dagaal ahi ka imaan doonin dhinaca Tigray.
Dhanka kale, Guddoomiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa lagu eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay Eriteriya, inkastoo uu isagu arrintaas si adag u beeniyay. Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay cadaadis saarto dowladda federaalka Itoobiya si looga fogaado xiisado cusub. Khilaafka Werede iyo Gebremichael ayaa horseed u noqon kara colaad aan la mahadin.
Sida laga soo xigtay, Gerrit Kurtz oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Amniga Caalamiga ah ee SWP, Eriteriya waxay u aragta in ay faa’iido siyaasadeed iyo mid amni ka dhaxli karto haddii Itoobiya ay noqoto dal ay ka jiraan khilaafaad gudaha ah. Waxa uu sheegay in Eriteriya ay taageerto kooxaha hubeysan ee mucaaradka Itoobiya sida jabhada Fano oo ka dagaalanta gobolka Amxaarada.
Dagaal ay Fano la galeen ciidamada federaalka bishii Maarso ayaa sababay dhimashada in ka badan 300 oo qof iyada oo Asmara lagu eedeeyay in ay lug ku lahayd. Tani waxay muujinaysaa sida Eriteriya ay u adeegsaneyso kooxo maxalli ah si ay u wiiqdo awoodda dowladda Itoobiya.
Sida lagu sheegay warbixinay daabacday hay’adda The Sentry oo fadhigeedu yahay Mareykanka, Eriteriya waxay si baahsan u bililiqeysatay hantidii Tigray intii lagu guda jiray dagaalkii hore. Warshadaha dahabka, sisinta, farshaxanka dhaqanka iyo xitaa dad ayaa la sheegay in laga tahriibiyay gobolka, iyadoo hantidaas laga iibiyay suuqyada caalamka si loogu maalgeliyo hawlgallada Eriteriya ee gudaha Itoobiya.
Warbixintu sidoo kale waxay sheegtay in Eriteriya
ay hub ka iibsatay dalal uu kamid yahay Ruushka, kaddib markii cunaqabatayntii hubka ee Qaramada Midoobay laga qaaday sanadkii 2018. Wasiirka WarfaafintaEriteriya, Yemane Ghebremeskel, ayaa warbixintaas ku tilmaamay “sheeko la sameeyay” oo ujeeddadeedu tahay in Eriteriya lagu eedeeyo dhibaatooyinka gobolka.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa dhanka kale lagu eedeeyay inuu isticmaalo xeelado uu wiiqayo dhammaan kooxaha mucaaradka ah si aysan isugu tagin oo aysan halis ugu noqon xukunkiisa. Tani waxay keentay inuu mar mar la heshiiyo kooxo gaar ah, qaarna uu cadaadis saaro.
Waxaa sidoo kale jira cabsi ah in Abiy uu uga faa’iidaysan doono xiisadda Tigray ololaha doorashada qaranka ee dhici doonta sanadka dambe. Waxa uu sidoo kale mar kale soo nooleeyay doodda ku saabsan baahida Itoobiya u qabto inay hesho marin badeed, taasoo keentay khilaaf diblomaasiyadeed oo ay la gashay Soomaaliya, waxayna dad badan ka baqayaan in tani ay keento dagaal cusub oo gobolka ah.