
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u kala diray Maxkamaddii Ciidamada Qalabka Sida iyo Dembiyada Culus ee Puntland.
Madaxweynaha ayaa talaabadan ku sababeeyay cabashooyin taxane ah oo ka yimid guddoonka iyo garsoorayaasha maxkamadda, kuwaas oo ku saabsan eedeymo la xiriira caddaalad-darro iyo musuqmaasuq.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in go’aannada xabsi-xalaalaynta ee ku saabsan denbiyada culus ay hadda u wareegayaan Maxkamadaha Racfaanka Puntland ilaa laga dhisayo maxkamad cusub. Saraakiishii hore ee garsoorka maxkamadda ayuu faray inay dib ugu laabtaan talisyadoodii hore.
Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qayb ka tahay dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo maamulka garsoorka iyo xafiiska xeer-ilaalinta, si loo xoojiyo hufnaanta iyo caddaaladda gudaha Puntland.
Sanadkii hore, dabayaaqadii, ayuu madaxweyne Deni shaqo joojin ku sameeyay masuuliyiinta maxkamadda, kaddib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo khaladaad ku saabsan xukunno ay maxkamaddu soo saartay.
Go’aankan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweyne Deni, oo muddo ku dhow sanad ku mashquulsanaa la-dagaallanka Daacish lagu wado inuu isku shaandhayn ku sameeyo golihiisa wasiirrada, agaasimayaasha guud iyo guddoomiyayaasha gobollada.




















