
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne uu xirnaan doono muddo lix maalmood ah, iyadoo dhammaan hawlaha duulimaadyada laga joojiyay.
Ogeysiis ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in xiritaanka garoonku uu dhaqan-galay 24-ka November 2026, waxaana wargelinta loo diray dhammaan duulimaadyada ku shaqeeya nidaamyada IFR iyo VFR.
Sida ku cad xogta NOTAM-ka, muddada xiritaanka ayaa lagu cayimay inay ku egtahay 1-da December 2026. Hay’addu se ma shaacin sababta keentay in garoonka Ugaas Khaliif la xiro.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada HirShabelle ayaa dhinaceeda sheegtay in xaaladda amni ee garoonka aan la isku haleyn karin, maadaama ay weli banaanka garoonka ku sugan yihiin ciidamada deegaanka.
Ujeeddada tallaabada ayaa lagu sheegay inay tahay xaqiijinta badqabka rakaabka iyo howl-wadeennada garoonka, sida lagu xusay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada HirShabelle.
Xiritaanka ayaa yimid kadib dhacdooyin amni oo ka dhacay garoonka, iyadoo halkaasi ka dhaceen iska horimaadyo u dhaxeeya ciidamada deegaanka ee Dulmi-diid iyo ciidamada Jabuuti ee AUSSOM.
Iska horimaadka ayaa yimid kadib markii la helay xog ku saabsan diyaarad siday ciidamo ka tirsan dowladda oo kasoo baxday Muqdisho, taas oo ciidamada deegaanka ay ka hor istaageen inay ka degto garoonka Ugaas Khaliif. Dhacdadaas ayaa sare u qaaday walaaca amni ee ka taagan garoonka iyo hareerihiisa.




















