Dibadbaxyo waaweyn oo ka bilowday dalka+ SAWIRRO

57

Kumannaan shacab ah oo ka soo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa isugu soo baxay magaalooyinka dalka, kuwaas oo si weyn uga dhiidhiyay go’aanka ka soo yeeray Tel Aviv ee lagu kala goynayo Soomaaliya.

Degmooyinka Hobyo, Dhuusamareeb iyo Guriceel ayay maanta shacabku si ballaaran ugu dhigeen isu-soo-baxyo waaweyn oo ay ku muujinayaan dareenkooda.

Shacabka ayaa si cad u muujiyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Yuhuuddu kula kacday midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, waxayna dunida u muujiyeen in ay ka go’an tahay difaaca dalkooda.

Degmooyinka iyo deegaannada kale ee dowlad-goboleedka Galmudug ayay iyaguna si weyn uga socdaan bannaanbaxyo ballaaran oo shacabku ku muujinayaan difaaca midnimada dalka.

Sidoo kale, shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Waqooyi Bari ayaa iyaguna dunida u muujiyay sida ay uga soo horjeedaan damaca guracan ee Israa’iil.

Bannaanbaxyadan waaweyn ayaa guud ahaan ka socda deegaannada dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, kaas oo dhawaan si rasmi ah uga mid noqday dowlad-goboleedyada dalka.

Habeen hore, shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa isgoyska Taleex ee degmada Hodan ku dhigay bannaanbax weyn, kaas oo ay ku diideen aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Dhalinyaro, haween, fanaaniin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qaybgalay dibadbaxa, kuwaas oo buux-dhaafiyay aagga Taleex.

Guud ahaan, dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga xumaaday heshiiska ay Somaliland la gashay Israa’iil, kaas oo horseeday in Jimcihii Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu ku dhawaaqo in Somaliland ay u aqoonsadeen dal madax-bannaan.