
Magaalada Tehran ee caasimadda Iiraan iyo illaa 50 magaalo oo kale waxaa ka socda bannaanbaxyo u muuqda inay sare u kacayaan, kuwaasoo ka dhashay xaaladda nololeed iyo sicir bararka kordhaya ee ka jirta Iiraan.
Waxaa hadda xirmay inta badan goobaha ganacsiga ee Tehran halka ay ardayda Jaamacadaha ku biireen isku soo baxyada.
Ma cadda haddii faragelin dibadda ay kicinayso bannaanbaxyada ay dhigayaan dad u badan dhallinyaro oo sheegay inaysan intaa ka badan adkaysi u lahayn nolosha ka jirta Iiraan.
Iskudayo ay ciidanka ammaanka ku joojinayeen bannaanbaxyada waxaa la soo weriyey inay dad ku geeriyoodeen kuwa kalena lagu dhaawacay.
Trump ayaa ugu hanjabay dawladda Iiraan inuu Mareykanka si toos u faragelin doono haddii ciidanka amniga Iiraan ay rasaas ku furaan oo ay billaabaan inay dilaan dadka dhigaya bannaanbaxyada looga soo horjeeda sicir bararka ka jira gudaha Iiraan , isagoo intaa ku daray ; “ Mareykanka wuxuu u gurman doonaa shacabka, waana u diyaarsanahay tallaabo deg deg ah inan qaadno.”
La taliyaha sare ee hoggaamiyaha Iiraan, Cali Shamkhani, oo loo arko mid ka mid ah ragga beddeli kara Cali Khamenei, ayaa ka jawaabay hanjabadii ka soo baxday Trump oo uga digay Iiraan haddii ay iskudaydo inay xoog u adeegsato bannaanbaxyada ka socda magaalooyinka Iiraan inuu Mareykanka soo faragelin doono.
Shamkhani, ayaa yiri ; “Shacabka Iiraan si wanaagsan ayay u yaqaannaan Mareykanka marka uu adeegsanayo; waxaan badbaadinayna shacabka , waa wax ku dhammaanaya wixii ka dhacay Ciraaq, Afgaanistaan illaa Qasa , balse gacan kasta oo faragelin ah oo ku soo wajahan amniga Iiraan, marmarsiiyo kasta ha wadata ee, waa la jari doonaa ka hor inta aysan gaarin ujeeddadeeda, iyadoo lagu jawaabi doono tallaabo keeni doonta qoomammo.”


























