Diyaaradda Somali Airlines oo dhawaan la howl galin doono

58

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Duulista iyo Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhamaadka sanadkan la howl galin doono duulimaaduadii diyaaradda Somali Airlines.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa sheegay in diyaarada Somali Airlines iyo qalab kalaba ay diyaar yihiin, islamarkaana inta sanadka ka dhiman si rasmi ah dalka looga howl gelin doono.

“Waxaan raba shacabka Soomaaliyeed inaan u sheego farxad ku saabsan inaan dib u howl galin doono inta uusan dhamaan sanadkan diyaaradii Somali Airlines” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Wasiir Nuux arrimo la xariira horumarinta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo garoomada kale ee ku yaala gobolada dalka oo uu tilmaamay in tiro ahaan ay gaarayaan 72 garoon oo u baahan dayactir iyo horumarin.

“Waxaan u baahanahay inaan aduunka tusno in la aamini karo garoonkeena oo ugu yaraan aan ka dhigno xata garoomada dalalka dariska nala ah hadii aanan gaari karon kuwa dalalka hormaray, hada 15 ka mid ah garoomada dalka waxaaa ku socda dayactir qaarkood gabagabo ayay marayaan, waxaana dadka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta ka dalbanaya inay dhowran nidaamka sharciga oo aan garoonka lagu dhex buuqin” ayuu yiri Wasiir Maxamed Faarax Nuux.

Hadalka Wasiirka Gaadiidka Duulista iyo Hawada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya qorsheyneyso in 33 sano kadib si rasmi ah dalka uga howlgasho diyaaradii Somali Airlines.