
Xil-Haynta Xilalka Maamulada Heer Gobol lyo Heer Degmo ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
Markuu arkay: Qodobka 43aad ee Sharciga Lr. 116 ee soo baxay 06/08/2013.
Markuu tigeliyey: Xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee ka jirta deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Markuu garwaaqsaday: In ay muhiim tahay in laga hortago firaaq maamul oo ku iman kara heer gobol iyo heer degmo, iyo sidoo kale in la ilaaliyo xasilloonida iyo sii wadidda adeegyada maamul iyo kuwa bulshada.
Markuu hubsaday: In madada sare ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku jiraan muddo dhaaf xileed, una baahan yihiin xal waafaqsan sharciga iyo nidaamka dowladnimada.
Wuxuu caddaynayaa:
1. In dhammaan maamullada heer degmo iyo heer gobol ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay sii wataan gudashada xilalkooda sida ay yihiin, ilaa laga soo dooranayo goleyaal cusub oo beddela si waafaqsan sharciga.
2. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka lyo Dibuheshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la tashanaysa odoyaasha dhaqanka
Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay si gaar ah ugu xilsaaran yihiin ilaalinta maamullada dhisan, iyo sidoo kale buuxinta xilalka ka bannaanaada maamulladaas.
Ugu dambeyntii, dhammaan xafiisyada ay khusayso warqaddan oo ay ka mid yihiin Hay’adaha Amniga waxaa la farayaa dhaqangelinta wareegtadan, isla markaana ay ka qataan kaalintooda ku aadan sugidda xasilloonida maamulka iyo hirgelinta nidaamka dowladnimada.






















