
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab kasoo saartay qorshaha mucaaradka ee doorashada, gaar ahaan nooca ay dhawaan soo bandhigeen, kadib markii xubnaha Golaha Mustaqbalka ay asnixiyeen hannaan doorasho toos ah oo ay sheegeen in dalka looga samatabixinayo marxaladda kala guurka siyaasadeed ee xilligan adag lagu jiro.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda ay soo dhaweyneyso in marka hore mucaaradku aqbalaan in la aado doorasho toos ah oo fursadda la siinayo shacabka Soomaaliyeed, waxaase uu tilmaamay in laga wada-hadli doono qodobada kale ee muhiimka ah, gaar ahaan sida loo wajahayo.
“Maanta haddii la’isla yimid doorasho toosan waxa kale ee Details-ka waa wax laga wada-hadli karo oo tanaasul laga muujin karo,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in muhiim tahay in mucaaradku ay u madax banaanaadaan taladooda, isla markaana ay muhiim tahay inay ka fakiraan danaha iyo maslaxada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
“Garoonka ayaad hadda ku jirtaan waad fiican tihiin laakiin waxaan rajeynayaa qaraaraadiina inay ahaadaan kuwa madax bannaan oo aad idinka leedihiin kadib way idin fududaaneysaa inaad fahantaan shacabka maslaxadiisa iyo maslaxada dalka,” ayuu mar kale yiri Wasiir Cabdifitaaxn Qaasim.
Jawaabta Dowladda Federaalka ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maalin kahor Golaha Mustaqbalka oo soo bandhigay nooc doorasho oo toos ah ay caddeeyeen in go’aankooda uu ku yimid tanaasul ay sameeyeen, iyaga u turaya shacabka, si looga heshiiyo khilaafka taagan.
“Go’aanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxaa saldhig u ah tanaasul siyaasadeed iyo u turida shacabka Soomaaliyeed ee hammuunta u qaba in si deg-deg ah looga heshiiyo khilaafka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri bayaanka ay horay usoo saareen Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland.
Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale bayaankooda ku sheegay in hannaankan cusub uu iswaafajinayo xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin inay si xor ah oo toos u doortaan wakiilladooda, iyadoo la ilaalinayo hab-qaybsiga matelaadda beelaha ee 4.5.
Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla markaana ay socdaan dadaallo hoose oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka, kuwaas oo lagu dhex-dhexaadinayo dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.
Soomaaliya ayaa hadda ku jirta marxalad xasaasi ah, iyada oo khilaafka mucaaradka iyo dowladda uu isku rogay gacan ka hadal, kadib dagaal dhawaan ku dhex-maray xaafado ka tirsan Muqdisho, kaas oo dhaliyay khasaare xooggan.




















