
Maamulka garoonka caalamiga ah ee Dubai ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay hakiyeen ama joojiyeen dhamaan shaqooyinka garoonkaasi ka socday ee duulimaadyada ahaa sababo lagu sheegay dagaalka ka socda Bariga dhexe ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiran.
Warka ka soo baxay Maamulka Garoonka diyaaradaha Dubai waxaa lagu xusay in talaabadaani ay u qaadeen badbaadada rakaabka, shaqaalaha garoonka, iyo shaqaalaha diyaaradda intaba.
Sidoo kale Shirkada diyaaradaha Emirates Airline ayaa barteeda X waxay ku qortay inay joojisay duulimaadyadii diyaaradaasi ku tagi jirtay Dubai islamarkaana rakaabka uga soo qaadi jirtay ilaa iyo amar danbe.
“badbaadada rakaabkeena iyo shaqaalaheenna waa mudnaanta ugu sarreysa ,wixii is badal kale ee yimaada dib baan idinka kala socodsiineynaa ” ayaa lagu yiri qoraalka Shirkada diyaaradaha Emirates Airline
Qoraalka shirkada waxaa sidoo kale ku jirey ereyo digniin oo kale ah oo qornaa sidan:-Fadlan ha tagin garoonka diyaaradaha.




















