Eritrea oo xiriirka u jartay Itoobiya

12

Dowladda Eritrea ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay gebi ahaanba xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Itoobiya, saacado kadib markii Addis Ababa ay xirtay safaaraddeeda Asmara, isla markaana ay dalkeeda ka cayrisay 10 diblomaasi oo Eritrean ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa tallaabada Itoobiya ku tilmaantay “falal cadaawad ah oo aan cudurdaar lahayn”, waxayna sheegtay in Asmara aysan hadda heysan doorasho kale oo aan ahayn inay tallaabadaas si la mid ah uga jawaabto.

“Xaaladda hadda jirta, Eritrea ma hayso wax doorasho ah oo aan ka ahayn inay si la mid ah uga jawaabto oo ay jarto dhammaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya, iyadoo ay la socdaan dhammaan cawaaqibta taban ee arrintaasi leedahay,” ayay wasaaraddu ku tiri bayaan ay soo saartay.

Go’aanka ayaa soo afjaraya xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal ay dib u soo celiyeen sanadkii 2018, wuxuuna imaanayaa xilli xiisadda Itoobiya iyo Eritrea ay si weyn sare ugu kacday, iyadoo dagaalkuna mar kale ka qarxay waqooyiga Itoobiya.

Itoobiya ayaa goor sii horreysay Khamiistii sheegtay inay xireyso safaaraddeeda Asmara, isla markaana ay 10 diblomaasi oo Eritrean ah ku amartay inay dalka uga baxaan 48 saacadood gudahood.

Addis Ababa waxay diblomaasiyiinta ku eedeysay inay ku lug lahaayeen falal ay sheegtay inay “khatar toos ah ku yihiin amniga qaranka Itoobiya”, iyadoo sidoo kale Eritrea ku eedeysay “falal toos iyo dadban oo cadaawad iyo dagaalnimo ah”.

Dowladda Itoobiya ma aysan faahfaahin falalka ay ku eedeysay diblomaasiyiinta Eritrea.