Ugu yaraan 21 askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa lagu dilay iska horimaad ay la galeen dagaalyahannada jabhadda Fano oo ka dhacay magaalada Agut ee gobolka Amxarada, halkaa oo sidoo kale la sheegay in ciidanka Itoobiya looga furtay hub iyo rasaas, sida laga soo xigtay Clash Report.
FANO, ee ka dagaallanta gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, ayaa baraha ay ku leeyihiin internet-ka ku baahisay qoraallo ay la socdaan muuqaallo iyo sawirro.
Qoraalladan ayay ku sheegteen in ay guulo waaweyn ka gaareen dagaallo culus oo ay la galeen Ciidanka Itoobiya.
Sida ku cad farriimahooda, dagaalladaas oo ka dhacay deegaanno kala duwan oo gobolkaas ah, ayay FANO ku andacootay in ay khasaare lixaad leh gaarsiisay ciidanka dawladda, iyaga oo adeegsanaya luuqad adag kuna tilmaamay in ay “cagta mariyeen” cutubyo ka tirsan ciidanka federaalka, sidoo kalena ka furteen hub iyo saanad ciidan.
Muuqaallada la baahiyay ayaa muujinayay dagaalyahanno ka tirsan FANO oo dabaal-degaya, iyaga oo soo bandhigay hubkii iyo saanadii ay ka furteen ciidanka dawladda.





















