Fartaag oo lakulmay madaxwayne Ibrahim Traoré+SAWIRRO

29

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Burkina Faso, halkaas oo uu kulan gaar ah kula yeeshay hoggaamiyaha dowladda militariga ee dalkaasi, Ibrahim Traoré.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa dadaallada dowladda Somalia ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada amniga ee ay la leedahay dalalka Afrika ee wajahaya khataraha argagixisada.

Wasiir Fartaag ayaa Hoggaamiye Traoré gaarsiiyay farriin rasmi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud. Farriintaasi ayaa la sheegay inay la xiriirtay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa wada shaqeyn buuxda oo ku saabsan amniga, xasilloonida iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan ee ka howlgala qaaradda Afrika.

Wasiirka ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ka tarjumayo siyaasadda Soomaaliya ee ku wajahan ballaarinta iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga gudaha, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta awoodda hay’adaha ammaanka. Waxa uu xusay in Soomaaliya iyo Burkina Faso ay wadaagaan duruufo amni oo isku dhow, maadaama labada dalba ay muddo dheer la tacaalayeen weerarro iyo khataro ay geystaan kooxo argagixiso.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen tababarrada ciidamada iyo hay’adaha ammaanka, is-weydaarsiga xogaha sirdoonka, la socodka dhaqdhaqaaqyada kooxaha xagjirka ah iyo kor u qaadista wada shaqeynta hay’adaha amniga ee labada dal. Wasiir Fartaag ayaa tilmaamay in wada shaqeyn noocaasi ah ay muhiim u tahay xoojinta amniga gobolka iyo yareynta khataraha ka imanaya kooxaha argagixisada.

Dowladda Burkina Faso ayaa ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika ee sanadihii ugu dambeeyay la daalaa dhacayay weerarro amni darro iyo kacdoonno hubeysan, halka Soomaaliya ay muddo dheer dagaal kula jirtay kooxda Al-Shabaab. Sidaas darteed, labada dhinac ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in dalalka Afrika ay iska kaashadaan khibradaha amniga iyo istiraatiijiyadda lagula dagaallamayo argagixisada.

Booqashadan ayaa sidoo kale loo arkaa mid muujinaysa dadaalka dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso inay xoojiso xiriirka ay la leedahay dowladaha Afrika, isla markaana ay sare ugu qaaddo wada shaqeynta amniga ee qaaradda.