
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Mucaaradka dowladda ka hor yimaadeen saddex horumar uu sheegay in la gaaray.
Fiqi ayaa sheegay in Madasha Samatabixinta ay diideen; doorasho, dastuur, iyo amniga, isaga oo yiri, “Doorasho waa diideen, dastuur waa diideen, haddana Amniga jira ee shisheeye iyo shacabba la wada qirayo ayay muran gelinayaaan.”
Hadalkaan uu Wasiir Fiqi ku faafiyay bartiisa Facebook ayuu uga falceliyay wareysi uu dhawaan bixiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaas uu uga warramayey xaaladda guud ee dalka sida; doorashooyinka, amniga iyo dhameyestirka dastuurka.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho bishan taariikh dhigi doonta, iyada oo dooraneysa, “dad ay kala xisaabtami karto amniga iyo horumarka, qofkii intaas diidanna waa mid shabaabka la jecel in ay dalka ka taliyaan,” ayuu ku yiri qaraalkiisa.





















